Go’aankan ayaa imanaya xilli maamulka gobolku uu adkaynayo fulinta habraacyada la xiriira isu imaatinnada iyo shirarka lagu qabto gudaha gobolka Karkaar.

Maamulka Gobolka Karkaar ayaa si rasmi ah u joojiyey shirarka iyo kulamada ogolaansho la’aanta lagu qabto magaalada Qardho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay in maamulka gobolku ka warhelay qorshe lagu qabanayo shir saxaafadeed ay soo abaabuleen xubno aan ogolaansho haysan. Kadib markii arrintaasi la xaqiijiyey, maamulka gobolku wuxuu go’aansaday in aan la oggolaan qabashada shirkaas, maadaama aanu marin habraacyada iyo shuruudaha looga baahan yahay shirarka dadweynaha.
Warsaxaafadeedku wuxuu tilmaamay in hay’adaha amniga gobolka, maamulka degmada Qardho iyo dhammaan laamaha ay khusayso lagu amray inay dhaqan geliyaan go’aanka dowladda, isla markaana ay ka hortagaan isku day kasta oo lagu qabanayo shirka la mamnuucay.

Horseed Media




