Gudoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta amniga,…

Gudoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta amniga, odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee ku sugan Magaalada Galkacyo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee gobolka, dardargelinta dadaallada nabadeynta iyo xal u helidda khilaafaadka beelaha ee mararka qaar ka dhaca deegaannada gobolka.
Waxaan si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha amniga, isimada iyo odayaasha dhaqanka.
Gobolka Mudug oo dowladda Puntland horay uga qabatay shaqooyin la xiriira la dagaalanka argagixisada ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo batay dilalka la xiriira aanooyinka qabaa’ilka.



