Maamulka Gobolka Mudug oo reer Jirriiban kala shiray ammaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyo Mas’uuliyiin…

17 August, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kulamo la qaatay guddiga horumarinta, amniga iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanka.

Kulamadaan ayaa looga arrinsanayey arrimaha maamulka degmada, sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, guddoomiyaha waxa kulanka ku wehliyay Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Isuduweyaasha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, iyo Kalluumaysiga ee Gobolka kuwaas oo qayb ka ahaa wadatashiga.

Muddadii ay kulamadu socdeen ayaa laysla soo qaaday muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha heer gobol iyo heer degmo, si loo hubiyo hirgelinta qorshayaasha dowladeed ee la xiriira maamul baahinta, amniga iyo adeeg bixinta bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in dowladdu ka go’an tahay xoojinta maamulka degmada iyo in shacabka Jariiban ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicda iyo qorshayaasha horumarineed ee socda. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay guddiyada kala duwan inay si dhow u wada shaqeeyaan, ayna mudnaanta siiyaan xasiloonida iyo nabadgalyada deegaanka.