Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa markale dowladda federalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey faragelin siyaasadeed…

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa markale dowladda federalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey faragelin siyaasadeed iyo falal ammaan xumo oo ay ka waddo Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali, oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya duulaan ku soo qaadday deegaamada Puntland iyadoo adeegsanaysa shaqsiyaad la shaqaysta.
Jifi-jabsade, wuxuu sheegay in la doonayo burburinta Puntland haseyeeshee aysan middaasi qaadan doonin xukuumadda iyo guud ahaan shacabka deegaamada Puntland.



