Maamulka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa eedaymo culus u jeediyey qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland…

Maamulka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa eedaymo culus u jeediyey qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulqaadir Cismaan Samatar Food-cadde ayaa sheegay in qof walba oo xil kahaya Puntland marka laga qaado uu halhays kadhigto in Puntland burburtay shirweynana laysugu yimaado, wuxuuna tilmaamay inaan la aqbali doonin in dad meelo kale dhaqaale ka soo qaatay carqaladeeyaan nabadda Puntland.
“Midkeennii xil laga qaado Xamar ayuu tegayaa wuxuu lee yahay Puntland waa burbursan tahay laakiin waxaan leenahay kuwa dabinnada inoo maleegaya aan guryaha ku dhagxinno”,Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqaadir Cismaan Samatar ( Foodcade) kulanka haweenka gobolka Nugaal.
Dowladda afederalka ah ee Somalia ayaa muddooyinkii dambe faragelin xooggan ku waddey Puntland iyadoo ka qoratay boqolaal askari oo aan wadashaqayn lalahayn xukuumadda Puntland.




