Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka…

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish iyo qorshaha sugidda ammaanka guud ee gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha ayaa ugu horrayn ku bogaadiyey ciidamada difaaca Puntland guulaha ay ka gaareen kooxda Daacish ee ay ku baacsanayaan deegaamada ku hareersan toga Jacayl ee buuraleeyda Cal-miskaad.
Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ajaaniibta ku soo duushey Soomaaliyeed, wuxuuna digniin u diray cidkasta oo lagu helo inay la shaqayso kooxaha nabaddiidka ah.
“Tuulo walba iyo degma walba waa inay diyaar garawdaa oo ciidamada la soo xiriiraan haddii ay arkaan cid ay ka shakiyaan, qof firxad ah inuu gobolada kale u soo gudbo oo lasoo dhaweysto ma soconayso, qofkii Hotelkiisa qof Daacish ah soo gashada isaga ayaa talaabo laga qaadayaa”, Sidaasi waxaa yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.