Maamulka gobolka Raas-casayr oo awaamiir duldhigay Wasaarado katirsan Puntland.

11 October, 2025

Guddoomiyah agobolka Raas-casayr ee Puntlan dCumar Cismaan Siciid ayaa go’aano ku meel-gaar ah ka soo saaray…

Guddoomiyah agobolka Raas-casayr ee Puntlan dCumar Cismaan Siciid ayaa go’aano ku meel-gaar ah ka soo saaray xiisadda u dhexaysa wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga ee ka aloosan xeebaha gobolkaasi.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay degmada Baargaal ayaa go’aamiyay in labada wasaaradood ay si ku meel gaar ah u joojiyaan lacago cusub oo ay ku soo kordhiyeen doonyaha kalluumeysiga, kuwaas oo sababay khilaafka doonyaha.

Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa go’aamiyay in wasaarad walba ay ku shaqayso nidaamkii hore, ayna qaado dakhligii iyo khidmadihii ay qaadi jireen hadda kadibna in doonayaha kalluumaysiga ee ka shaqeeya gobolka  Raascasayr hadda kaddib la siin doono dukumenti ka kooban wasaaradaha dakhliga.