Maamulka Gobolka Sanaag oo cabasho u gudbiyey xukuumadda Puntland.

24 June, 2025

Guddoomiyaha gobolka Sanaaga ee Puntland Siciid Badmaax Jaamac ayaa maanta Magaalada Badhan kaga qaybgalay furitaanka kal-fadhiga…

Guddoomiyaha gobolka Sanaaga ee Puntland Siciid Badmaax Jaamac ayaa maanta Magaalada Badhan kaga qaybgalay furitaanka kal-fadhiga 3aad ee golaha deegaanka degmadaasi.

Badmaax oo ka hadlay waxqabadkiisii muddadii uu xafiiska joogey ayaa sheegay in markii uu xafiiska yimid ay kiro kujireen dhammaan hay’adaha dowladdu haseyeeshee ay maanta haystaan dhismayaal gaar u ah oo dowladeed.

“Gobolka Maalintaan imi dhammaan hay’adaha dowladdu kiray kuwada jireen, maantana guriga ugu liitaa waa xaruntii gobolka, waayeelku waa qadaa ama waa wadaqaataa anigu weli waa qatanahay, laakiin waa rajaynayaa maadaama intii kale soo dhammaatay maantana in gobolka dib loo eego”, Ayuu yiri guddoomiye Badmaax.