Madaxweyne ku-xiegenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, ayaa gaarey qaar kamid ah furimaha dagaalka ee ciidamada…

Madaxweyne ku-xiegenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, ayaa gaarey qaar kamid ah furimaha dagaalka ee ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanku kula dirirayaan kooxda Alshabaab.
Yuusuf Axmed Hagar, oo la hadlay ciidamo loo diyaariyey dagaalka Alshabaab ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin xoraynta deegaamada Alshabaab gacanta ku hayso, wuxuuna ciidamada kula dardaarmay inay naftooda u huraan mustaqbalka bulshadooda.
Waxa uu sheegay in Alshabaab ay xaqdarro ku socdaan isla markaana ay ku jebin doonaan dagaalka lagula jiro ee ka socda qaybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa ku soo beegmaya xilli ay Alshabaab dhowaan dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen degmada Bal-cad iyo deegaamo ka agdhaw magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.