Waxaa kor u kacday cabsida caalamku ka qabo in macluul xooggani ka dillaacdo marinka Gaza, inta…

Waxaa kor u kacday cabsida caalamku ka qabo in macluul xooggani ka dillaacdo marinka Gaza, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ka dib markii Israa’iil xannibtay dhammaan gargaarkii bini’aadminimo ee soo geli jirey deegaanka.
“Israa’iil ma oggolaan doonto xabbad-joojin iyada oo aan la sii dayn “maxbuusyadayada”, xafiiska Netanyahu ayaa ku daray, isagoo ka digay Cawaaqib xumo dheeraad ah haddii ay Xamaas ku adkaysato go’aankeeda.
Wajiga 1-aad ee xabad-joojinta ayaa ku ekayd Sabtidii iyadoo ahayd sida uu heshiiska ahaa in loo gudbo wajiga 2-aad iyo 3-aad, balse Israel ayaa la timid sharuudo cusub, isla markaana soo jeedisay in wakhti lagu daro wajiga 1-aad ee siideynta maxaabiista, halka wajiga 2aad iyo 3aad ahayd in looga hadlo joojinta dagaalka, bixitaanka ciidamada Israel, maamulka Gaza iyo dib u dhiska.
Kooxda Xamaas inta lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan iska diidey inay aqbasho qorshaha Israel iyo Maraykanku ku doonayaan in la kordhiyo wajiga 1-aad ee xabad joojinta lana sii daayo maxaabiis badan oo Yuhuud ah, taasi oo sababtay in Israa’iil durba duqaymo ka bilowdo deegaamada qaar.
Dhanka kalena, dowladaha Masar, Qatar iyo Urdun ayaa waxa ay tallaabada Israa’iil ku tilmaameen xadgudub bareer ah oo ka dhan ah heshiiska xabad joojinta iyo sharciyada bini’aadantinimada.