Maamulka Koonfur Galbeed oo doonaya inuu maxkamadeeyo xildhibaan Jeesaw.

1 December, 2025

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo aan horay uga dhicin dalka kadib markii ay…

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo aan horay uga dhicin dalka kadib markii ay codsadeen in loo soo gacan geliyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ay ku eedaysay inuu door ku leeyahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada Yaaq-Birweyne iyo Wanla-weyn

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka uu doonayo in xildhibaanka loo horkeeno maxkamad, si loo marsiiyo cadaaladda, haddii lagu helo eedaha la xiriira kicin, hurinta colaadaha iyo amni-darrada deegaanka.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dagaalka Yaaq-Birweyne iyo Wanlaweyn uusan ahayn mid qabyaaladeed oo keliya, balse uu salka ku hayo dano siyaasadeed iyo falal fool xun oo lagula kacay dadka deegaanka.

Daahir Aamiin Jeesaw oo katirsan xildhibaanada golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa horay u yiri,“Carruur iyo Hooyooyin ayey Yaaq-Biriweyne ku dileen Guutada 7aad ee uu wato Axmed Gaashaan. Hello Gaal Jecel, waxaad amar u qabtaan in aad isdifaacdaan”.