Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyey in la soo afjaray hawlgalkii Baydhabo.

5 February, 2026

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjaray dagaalkii…

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjaray dagaalkii u dhexeeyey ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federalka ah ee Somalia.

”Waxaad ogtihiin saacadihii la soo dhaafay in magaalada Baydhabo ay kooxo burcad ah oo mooryaan ah oo isbaaraleey ah ay ka abuureen fadqalalo, waxaad ogtihiin markii u horeeysay inay weerareen suuqa xoolaha, halkaas oo dad ganacsata ah oo suuqaasi lagu kala iibsanayo xoolaha inay weerar ku qaadeen oo shacab ku dhibaateeyeen’’, Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray,‘’Waxaan idiin xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in kooxdaasi fadqalalaha ka abuuray saacadihii la soo dhaafay magaalada Baydhaboi inay ahaayeen kooxo isbaaraleey ah oo burcad ah oo aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama siyaasad ku lug leh.

‘’Saacadaan aan idinla hadlayo, waxaan si dhamaystiran idiin caddeynayaa in si dhamaystiran loo soo afajaray kooxahaasi burcdka ah, ammaanka goobihii ay fadqalalaha ka wadeena, waxaa gacanta ku haya ciidamada amniga oo dhamaystiran Koonfur Galbeed oo hal qaybna aysan ka maqnayn ayaa gacanta ku haya”, Ayuu yiri Wasiir Bilaal.