21 June, 2025
Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo uu ku fasaxayo dhammaan shaqaalihii…

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo uu ku fasaxayo dhammaan shaqaalihii laamaha idaacadda VOA.
Kadib xiritaankii laanta afka Soomaaliga iyo kuwa kale, waxaa habeenimadii xalay ruqsadohooda shaqo fariisinta loo diray boqolaal shaqaale ah oo loo sheegay in laga fasaxay shaqada lana xiray laamohoodii.
Qaybta la hadasha dalalka Persian-ka oo loo fasaxay dagaalka bariga dhexe gaar ahaan Iiraan iyo Yuhuudda ayaa ah hadda midda kaliya ee ka hartay VOA, sida lagu xaqiijiyey macluumaadkii ugu dambeeyey.
