Maamulka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhalashada ka qaadi doono dadka lagu helo dambiyo ay kamid yihiin khiyaanada daryeelka caafimaadka, khiyaanada taleefannada gacanta iyo falal kale oo sharci darro ah.

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ) ayaa Isniintii sheegtay inay ka qaadi doonto dhalashada 17 muwaadin oo Mareykan ah oo lagu helay dambiyo maxkamado kala duwan.
Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Wasaaradda, 17-ka qof waxay ku dhasheen dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Cuba, Haiti, Shiinaha iyo Hindiya.
Waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin khiyaanada daryeelka caafimaadka, khiyaanada taleefannada iyo shirqool lagu maaraynayo qiimaha saamiyada.
DOJ, waxay ku eedeysay shakhsiyaadkan inay qariyeen falalkooda dambiyeed intii ay ku jireen qaadashada sharciga dhalashada.
Ka-qaadista dhalashada waa arrin naadir ku ah Mareykanka, waxaana go’aankaas gaari kara oo keliya maxkamadda federaalka.
Waxaa jira eedaysanayaal iyo xukumanayaal asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo horey maxkamad loogu soo taagay arrimo la xariira musuq maasuqa dhaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo caruurta.
Jinsiyadda dhalashada waxaa ilaaliya Dastuurka Mareykanka, si kastaba ha ahaatee maamulka Trump wuxuu isku dayayaa inuu sidoo kale ka noqdo sharciga dhalashada ee la siiyey dadka Mareykanka ah oo ay dhaleen waalidiinta aan sharciga heysan.




