Maamulka Waqooyi Bari iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kala saxiixday heshiis iskaashi Amni.

12 October, 2025

Dawladda Waqooyi Bari iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa ku heshiiyay iskaashi amni oo lagu xoojinayo nabadda…

Dawladda Waqooyi Bari iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa ku heshiiyay iskaashi amni oo lagu xoojinayo nabadda iyo wada-shaqeynta labada dhinac, kaddib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle. Kulankan ayaa ahaa mid ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo labada dawladood ka kala socday.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista amniga iyo ilaalinta xasilloonida guud ee xuduudda ay wadaagaan. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo isweydaarsiga xogaha muhiimka ah ee la xiriira sugidda amniga.

Heshiiskan amni ayaa sidoo kale ka mid ah qodobbo ay labada dawladood ku heshiiyeen, oo ay ku jiraan iskaashi buuxa oo ku aaddan ilaalinta xuduudda, ka hortagga tahriibka iyo dambiyada abaabulan, iyo joogtaynta kulamada wada-tashiga amniga ee masuuliyiinta labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa bogaadiyey dawladda cusub ee Waqooyi Bari, iyagoo sheegay in wada-shaqeyntan cusub ay horseedi doonto horumar amni iyo ganacsi oo labada dhinac u dhaxeeya.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Waqooyi Bari ayaa uga mahadceliyey Dawladda Deegaanka Soomaalida iskaashiga iyo taageerada joogtada ah, iyagoo xusay in heshiiskan uu yahay bilow cusub oo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka gobolka.