Maamulka Waqooyi Bari oo beeniyey muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

25 January, 2026

Ciidanka ammaanka Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa beeniyey muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo ay ka…

Ciidanka ammaanka Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa beeniyey muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo ay ka soo muuqdeen koox wejiyada duubtay oo sheegtay in ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay ciidanka Waqooyi Bari Somalia ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalkaas lagu farsameeyey Garaadka Macmalka Ah (AI) looguna talagalay sumcad-dil, cabsigelin bulsho, iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari.

Booliska Waqooyi Bari waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee khalkhalka gelin kara amniga, islamarkaana ay meel uga soo wada Jeensadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deegannadooda.