Waqooyi Bari oo bilowday qorshaha dhismaha garoonka diyaaradaha Laascaanood.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta si rasmi…

12 September, 2026

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuca dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Caasimadda DWBS ee Laascanood.

‎Dhismaha Garoonka oo lagu hirgelinayo isku-tashi bulsho ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashan doona dawladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, si loo helo garoon casri ah oo si weyn wax uga tara kaabayaasha dhaqaalaha dalka waxna uga baddala nolosha bulshada.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha garoonku uu yahay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha horumarineed ee ay ku doonayaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fududaynta socdaalka dal iyo dibad.

‎