Maamulka Waqooyi Bari oo eedayn ujeediyey bangiyada & shirkadaha isgaadhsiinta.

6 October, 2025

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa digniin kama-danbays ah u diray Shirkaha Isgaadhsiinta & Bangiyada deegaannadaas oo maamulkaasi…

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa digniin kama-danbays ah u diray Shirkaha Isgaadhsiinta & Bangiyada deegaannadaas oo maamulkaasi ka arrimiyo, kadib isfaham-waa soo kala dhex galay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa lagu sheegay in bangiyada iyo shirkadaha isgaadhsiintu ay ka dhego adaygeen bixinta cashuurtii ku waajibtay, ka qayb-qaadashada dowlad-dhiska iyo in ay xarumo-guud ka furtaan Laascaanood.

Maamulka ayaa shirkadaha ku eedeeyey inay sameeyeen abaabul kooxaysan iyo isutag aan sharci ahayn, kadib markii maalin kahor soo saareen bayaan ay ku midaysan yihiin.