Senator Saynab Tiimbiye oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood si ay uga qeyb gasho dhismaha maamulka…

Senator Saynab Tiimbiye oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood si ay uga qeyb gasho dhismaha maamulka cusub ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa sheegtay in doorashada madaxda maamulka cusub ee dhici doonta Sabtida ay tahay masuuliyad culus oo xildhibaanada deegaanka laga doonayo.
Waxay tilmaamtay in madaxda la dooran doono looga baahan yahay inay maamulka ku hoggaamiyaan hannaan horumarineed, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka. Senator-ka ayaa ka digtay khilaaf kasta oo soo kala dhexgala labada dhinac, iyadoo sheegtay in la iska ilaaliyo hoggaan abuura is-mari-waag iyo isku dhacyo siyaasadeed.
Saynab Tiimbiye ayaa xustay in maamulka cusub uu mas’uul ka yahay sidii loo heli lahaa mashaariicda horumarineed ee gobolka ka maqan, kuwaas oo dowladda federaalka diyaar u tahay inay si toos ah ula shaqeyso. Waxay carabka ku adkaysay in haddii khilaaf soo kala dhexgalo maamulka iyo dowladda dhexe ay caqabad ku noqon doonto horumarka gobolka.
Senatorada ayaa xildhibaanada ku boorisay inay si taxaddar leh u doortaan hoggaan u adeega danta guud ee shacabka, kana madax-bannaan dano shaqsi ama kooxeed. Waxay sheegtay in hoggaanka cusub laga rabo inuu noqdo mid mideeya bulshada, aamina dowladnimada, isla markaana horseeda horumar muuqda.
Ugu dambayn, Senator Saynab Tiimbiye ayaa ku celisay fariinteeda ku aaddan in maamulka cusub uu ka shaqeeyo wada shaqeyn dhab ah oo lala yeesho dowladda federaalka, taas oo ay ku sheegtay saldhig nabadeed iyo horumar waara oo gobolka waqooyi bari Soomaaliya.



