Saynab Tiimbiye oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee dowladda federalka ah ee Somalia lagana soo doorto…

Saynab Tiimbiye oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee dowladda federalka ah ee Somalia lagana soo doorto gobolka Sanaag ayaa shaacisay qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia ee maamulka Waqooyi Bari.
Senator Saynab ayaa sheegtay inay maamulka Waqooyi Bari ka rabaan mid aan siyaasad ahaan ka hor imaan aragtiyaha iyo rabitaanka dowladda federalka ah ee Somalia lana jaanqaadaya ajandayaasha loo jeexay.
“Waqooyi Bari Somalia oo ah dowlad goboleed cusub waxaan ka rabnaa inuu noqdo maamul aan ka hor imaan rabitaanka dowladda federalka ah ee Somalia”, Ayey tiri Saynab Tiimbiye.
Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa sanadihii dambe xoojisay faragelinta siyaasadeed ee dowlad goboleedyada dalka, iyadoo xiriirka wadashaqayneed u jartay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka horyimid qorshaha Villa Somalia.



