Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa qaadacay warka ka soo baxay xukuumadda federalka ah ee Somalia ee…

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa qaadacay warka ka soo baxay xukuumadda federalka ah ee Somalia ee shuruudda loogu xiray muwaadiniinta qaadanaya baasaboorka dalka inay sitaan kaarka aqoonsiga ee hay’adda NIRA.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Waqooyi Bari Najiib Barkhadle Warsame ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay meelka dhac weyn iyo khalad lagula kacay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed laguna dhibaataynayo socdaalka dadka Soomaaliyeed.
“Waa gef iyo meel kadhac wayn oo lagula kacay xuquuqda dhaladka somaliga ah oo awal ahayd mid hoosaysa, Socdaalka qofka somaliga iyo hooyada ama waayeelka kale ee bukaanka ah xuquuqda socdaal iyo helidda documents u fududeeya in lagu jaan gooyo dano, siyaasadeed oo xilli kooban soconaya, waxay halis ku tahay aaminaadda lagu aamini in hal gacan ahi hayso passport ka Somalia, Xumaantana in layska reebaa waa waajib diineede dawladda DFS arrinkaa dib ha uga noqoto”, Ayuu yiri wasiir Barkhadle.
“laga bilaabo 1-da January 2026 dhammaan dadka gudaha dalka ku safaraya waxaa looga baahan doonaa inay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah, Tani waxay qayb ka noqon doontaa hab lagu mideeyo diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed”, Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.



