Maamulka Waqooyi Bari oo Shuruud Ku Xiray Sii deynta Maxaabiista Somaliland

23 October, 2025

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in sii deynta maxaabiista…

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in sii deynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan lagu xiray in la gaaro heshiis nabadeed oo rasmi ah oo lagu soo afjaro colaaddii gobolka Sool.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi oo wareysi siiyay warbaahinta, ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la sii daayo maxaabiista iyada oo aan la helin heshiis nabadeed. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista lagu eedeeyay dambiyo culus oo la xiriira xasuuqii iyo barakacintii shacabka Laascaanood.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulkoodu diyaar u yahay sii-deynta maxaabiista haddii Somaliland ogolaato wadahadal nabadeed oo dhab ah, balse inta ay ku adkaysanayso xoog iyo qabsasho aanay suuragal ahayn is-dhaafsiga. Wuxuu sidoo kale xusay in hore loo sii daayay 25 maxbuus markii uu safar booqasho ah ku tagay Laascaanood Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, magaalada Ceerigaabo ayaa lagu qabtay shir nabadeyn ah oo ay ka qayb galeen isimada iyo shacabka deegaanka, kuwaas oo dib ugu soo laabtay magaalada kadib markii ay hore uga barakeceen dagaallo dhacay. Shirkan nabadeynta ah ayaa hadda ay wadaan isimada gobolka Sanaag iyo maamulka Somaliland, iyagoo ku baaqaya in si buuxda loo soo afjaro colaadda u dhaxaysa dhinacyada.