Maamulka Waqooyi Bari oo war ka soo saaray go’aanka Fahiima Quuje.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo kan guddoonka barlamaanka maamulka Waqooyi Bari aaya war ka soo saaray…

18 July, 2026

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo kan guddoonka barlamaanka maamulka Waqooyi Bari aaya war ka soo saaray go’aankii ay xildhibaanad Fahiima Yuusuf Quuje kaga tanaasushey midnimada Somalia uguna biirtay Maamulka Somaliland, oo shaaciyey inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Guddoonka barlamaanka Waqooyi Bari ayaa soo bandhigay warqad ku taariikhaysan 10 July 2026 oo uu xeer ilaaliyaha guud kaga codsanayo inuu dacwad ku soo oogo xildhibaanad Fahiima Yuusuf Quuje oo lagu eedeeyey faafinta warar been abuur ah iyo wiiqidda midnimada reer Waqooyi Bari.

Dhanka kalena, Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa shaaciyey jawaab uu ku caddeeyey in xasaanad ka xayuubinta xildhibaanad Fahiimo Quuje loo balansanaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 18 July 2026, xilli ay habeenimadii xalay ku dhawaaqday inay xilkii iskacasishey una goosatay Somaliland.

Fahiima Yuusuf Quuje, oo katirsanayd barlamaanka maamulka Waqooyi Bari iyo xubnihii soo saaray Madaxweyne Firdhiye ayaa doorweyn ka qaadatay halgankii Somaliland looga saaray Magaalada Laascaanood 2023, kahor dhismihii maamulka Waqooyi Bari.