Hay’adaha caafimaadka ee reer Falastiin ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 143 falastiiniyiin ah lagu…

Hay’adaha caafimaadka ee reer Falastiin ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 143 falastiiniyiin ah lagu dilay mowjado weeraro Israa’iil ku qaadday Marinka Qasa Khamiistii ilaa habeenimadii Jumcada.
Goobjoogayaal ku sugnaa weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun caafimaad oo ku taalla xerada qaxootiga ee Jabalia Khamiistii, iyadoo bukaanada lala gooyey dabaqa sare ee rugta caafimaadka al-Tawbah.
Dhammaan dadkaan oo ahaa shicibn ayaa waxaa la xaqiijiyey inay kamid ahaayeen 13 caruur ah oo gabbaad iyo hoy caafimaad ka dhiganayey goobta ay weerarka ku qaadeen ciidamada Yuhuuddu.
Dhammaan weeraradan ayaa dhacay sanadguuradii 77-aad ee maalinta Nakba, taasoo ku asteysan xasuuqii qowmiyadaha ee Falastiin 1948-dii intii lagu jiray aasaaska maamulka Israa’iil.



