Maayarkii degmada Galkacyo ee Puntland oo xilka iska casiley.

Maayirkii degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah xilkii isaga casilay,…

3 September, 2025

Maayirkii degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah xilkii isaga casilay, muddo kooban kadib markii Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland qaadacday xilka qaadis ay ku sameeyeen xubno katirsan golaha deegaanka degmadaasi.

Daacad ayaa la xaqiijiyey inuu warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyey wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ugu dambayn aqbashay, dalabkiisa ku aadan inuu iscasilo kahor kal-fadhiga xiga ee golaha deegaanka.

Maalinimadii shalay ayuu Maayar Daacad shir xasaasi ah la xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa isku dayay in uu is casilo, balse waxa Shirkii hareeyay buuq iyo jaahwareer, kaddib markii xubno taageersan maayirku is hor taag ku sameeyeen goโ€™aankiisi is casilaadda.

Dhanka kalena, Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa ku dhawaaqday in doorashada guddoomiyaha cusub la qaban doono 13 bisha Sept sanadkaan 2025, sida lagu baahiyey barta facebook ee wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo oo dhacaysa maalinta Sabtida ah ee ku beegan ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿญ๐Ÿฏ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, Jadwalka Doorashaduna wuxuu noqon doonaa sidaan hoose:-

๐—๐—ฎ๐—ฑ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ.

1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฌ๐Ÿฏ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“. ilaa ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿ๐Ÿฎ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“.

2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿญ๐Ÿฏ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“.

Kal-fadhigii hore ee golaha deegaanka ayaa fashilmay kadib markii xildhibaano ka soo horjeeda guddoomiye Daacad gaar u shireen sheegeenna inay doorteen Maayar cusub, inkastoo ay arrintaasi siideen qaar kamid ah shacabka Galkacyo iyo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.