Macluumaad ku saabsan hoggaamiyayaashii sarsare ee Daacish looga diley Cal-miskaad.

6 July, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa kooxda Daacish ku jebiyey dagaalo qaatay muddo 6 bilood ah oo…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa kooxda Daacish ku jebiyey dagaalo qaatay muddo 6 bilood ah oo ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Warbixinta hoose waxaa ku xusan in ka badan 8 xubnood oo kamid ahaa hoggaamiyayaashii sarsare ee kooxdaasi looga diley dagaalka Cal-miskaad, dalalka ay ka soo jeedeen iyo xilalka ay ka hayeen iyo macluumaad kale.

1. Ibraahim Xayaan oo u dhashay dalka Marooko wuxu ahaa Madaxii guud ee Qaraxyada u qaabilsanaa mileshiyaadka Daacish, waxaana uu kooxda u sameeyay warshad weyn oo qaraxyada farsamaysa.

2. Dr. Xakiin Cubeyda oo u dhashay dalka Malaysiya wuxu ahaa Madaxii guud ee Caafimaadka Daacish, isagoo ka mas’uul ahaa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dagaalyahannada kooxdaasi.

3. Marwaan Cabdirisaaq oo u dhashay dalka Tuunis wuxu ahaa Madaxii Garabka Ajaanibta hubaysan ee argagixisada Daacish, waxaana uu hoggaamin jiray dagaalyahanno dunida isaga yimid oo tababarkoodu aad u sarreeyo.

4. Cabdixakiin Badiin Muwallad oo u dhashay dalka Yemen wuxu ahaa Madaxii guud ee waxay ku sheegaan Xisbada una dhigma Booliska Daacish, waana garab u shaqeeya sida Booliska oo kale.

5. Barrow Cabdi Macallin waa Soomaali ka soo jeeda gobolka Gedo wuxu ku magacownaa Madaxa guud ee Xafiiska Maamulka degaannada Sheebaab-Dhasaan ee togga Jeceel (Calmiskaad).

6. Axmed Saalax Suudaani oo u dhashay dalka Suudaan wuxu ahaa Madaxa guud ee waxay ku sheegaan ‘Dacwadda’ waxaana uu qaabilsanaa in uu dadka Caamada ah ku qaldo afkaarta argagixisada.

7. Axmed Muuse Siciid waa Soomaali ka soo jeeda Puntland wuxu ahaa Madaxii guud ee Xiriirka dibadda u qaabilsanaa mileeshiyaadka Daacish waa nin ku dhashay dalka UAE oo luuqado kala duwan ku hadli jiray.

8. Axmed Macallineyn oo u dhashay dalka Cummaam wuxu ahaa ninka qorsheeya weerarrada dibadda ee argagixisada Daacish sidoo kale dunida ka soo waarida dagaallamayaasha caalamiga ah ee kooxda. Wuxu ku dhintay duqeyn.