Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah ku muujisay walaac ay ka qabto xaaladda siyaasadeed ee…
Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah ku muujisay walaac ay ka qabto xaaladda siyaasadeed ee dalka soo saaray gaar ahaan arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo habraaca doorashooyinka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin in dastuurka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah, iyadoo Madashu ku baaqday in arrimaha doorashooyinka lagu wajaho wadatashi qaran oo ballaaran.
Madasha ayaa si gaar ah uga digtay muddo kordhin ku timaadda hay’adaha dowladda federaalka, waxayna caddeeyeen in aysan aqbalayn muddo xileed dhaafsiisan 15-ka May 2026, xilli ay sheegeen in taasi dhaawici karto kalsoonida siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.
Dhinaca kale mucaaradka ayaa ku adkaystay in isbeddellada la xiriira doorashooyinka iyo dastuurka ay muhiim tahay in lagu saleeyo danaha guud ee bulshada halkii ay ku koobnaan lahaayeen kooxo siyaasadeed oo gaar ah.
War-saxaafadeedka Madasha ayaa ku soo beegmaya xili dowladda federaalka ay horay heshiis ula gashay xubno siyaasiyiin ah oo ka soo baxay mucaaradka, arrintaas oo Madashu horay u sheegtay in aysan ka tarjumayn mowqifka guud ee mucaaradka.






