Madasha Mucaaradka oo ka hor yimid heshiis Xasan Sheekh shalay galay

26 August, 2025

Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid heshiiskii shalay ka dhacay Villa Somalia ee dhexmaray…

Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid heshiiskii shalay ka dhacay Villa Somalia ee dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno hore uga tirsanaa Madasha Samatabixinta, Xubnaha mucaaradka ku haray Madasha ayaa maanta ku dhawaaqay in mowqifkooda aanu isbeddelin isla markaana Madashii mucaaradka weli taagan tahay sidii hore.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah madasha mucaaradka ayaa sheegay in heshiiska shalay uu ahaa go’aan shaqsi ah oo ay qaateen xubnaha dowladda ku biiray balse aan ku metelin dhammaan mucaaradka, Wuxuu xusay in khilaafka siyaasadeed uu salka ku hayo hab dhaqanka Madaxweynaha ee la xiriira maamulka dalka iyo wada hadalladii hore u burburay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in mucaaradku ay ka cabanayaan arrimo ka baxsan doorashooyinka oo keliya sida maaraynta xiisadda gobolka Gedo, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, ku-takrifalka hantida qaranka iyo habka uu u socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Arrimahaas ayuu ku sheegay inay yihiin sababta mucaaradku weli ugu adkeysanayaan mowqifkooda siyaasadeed.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan ololahooda siyaasadeed iyo kulamo ay ku diidan yihiin maamulka Xasan Sheekh ilaa heshiis cusub laga gaaro oo ay dhammaan dhinacyadu ku qancaan. Talaabadani waxay muujinaysaa in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu sii qoto dheeraan doono.

Bayaanka heshiiskii shalay ayaa lagu qeexay in Baarlamaanka Federaalka uu dooranayo Madaxweynaha halka maamul goboleedyadana baarlamaanadooda ay dooranayaan madaxweynaha iyo ku-xigeennada. Sidoo kale heshiiskaasi wuxuu xaqiijinayaa in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha oo ay meelmarin doonaan Baarlamaanka oo codka kalsoonida siinaya.