Guddi isxilqaamay ayaa ku guulaystay inay muddo 9 bilood ah dib u dhigaan banaanbaxyo ay qabanqaabinayeen…

Guddi isxilqaamay ayaa ku guulaystay inay muddo 9 bilood ah dib u dhigaan banaanbaxyo ay qabanqaabinayeen xubnha madasha samatabixinta mucaaradka ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Banaadir iyo oday dhaqameed dhex-dhexaadin ka dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa ku guulaystay in ay Mucaaridka ku qanciyaan dib-u-dhigista bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Dhinacyada ayaa isla qaatay in dibadbaxyadu yihiin xuquuq dastuuri ah haseyeeshee mudd 9 maalmood gudahood wixii farsamo ah looga shaqeeyo bannaan baxaas goobta iyo goorta uu dhici doono.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida laga soo xigtay u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta in ay raalli ka tahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, ayse doonayso inay saamayn ku yeelato arrimaha socda.



