Madasha samatabixinta oo cambaaraysay dagaalkii ka dhacay Beled-xaawo.

22 July, 2025

Madasha la magac baxday Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso dagaalka…

Madasha la magac baxday Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso dagaalka ka socda degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Villa Somalia.

Qoraal ka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in dagaalku halis ku yahay nabadda, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska, iyadoo dowladda Federaalka lagu eedeeyay in ay u adeegsaneyso ciidamada Qaranka dano siyaasadeed.