Madasha samatabixinta oo eedayn u jeedisey dowladda federalka ah ee Somalia.

6 June, 2026

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay bartilmaameedsatay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga…

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay bartilmaameedsatay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, iyo ganacsiyo iyo guryo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Degmada Cabdicasiis.

Warsaxaafadeed ay soo saartay madashu ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaasi ay yihiin kuwo siyaasadaysan oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in howlaha ka socda degmada Cabdicasiis ay la xiriiraan raadinta hub ay ku eedeysay kooxo mucaarid ah inay ku qariyeen deegaankaas, iyadoo ku adkaysatay in ujeeddadu tahay sugidda amniga iyo ka hortagga falal sharci-darro ah.