Madasha samatabixinta oo ku dhawaaqday mawjado banaanbax ah.

11 May, 2026

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa markale ku dhawaaqday banaanbax weyn oo ka dhici…

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa markale ku dhawaaqday banaanbax weyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 16-ka bishan May, iyagoo cambaareeyey tallaabooyinkii dowladdu qaadday.

Madasha ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Federaalka Soomaaliya inay adeegsadeen cabsi gelin, xarig iyo cadaadis siyaasadeed uuna muddo xileedku ka dhammaaday marka la gaaro 16-ka May.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo ku hor istaagay bannaanbaxii nabadeed ee shalay xubnaha Madashu ka abaabuleen magaalada Muqdisho”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay in bannaanbaxa cusub uu noqon doono mid nabadeed oo lagu muujinayo aragtida siyaasadeed ee mucaaradka, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan.