Kadib kulan ballaaran oo ay habeenimadii xalay isugu yimaadeen Madasha Samatabixinta, Xildhibaanada mucaaradka, haweenka, aqoonyahanada, qurbo…

Kadib kulan ballaaran oo ay habeenimadii xalay isugu yimaadeen Madasha Samatabixinta, Xildhibaanada mucaaradka, haweenka, aqoonyahanada, qurbo joogto, ururada bulshada, dhalinyarada, ganacsatada iyo bulsho kale ayaa looga hadlay xaaladda dalka.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed laga soo saaray ayaa looga hadlay arrimo dhoor ah ay kamid yihiin, jabinta dastuurka dalka, daaha doorshooyinka dowlad goboleedka iyo barakicinta dadka Muqdisho.
Waxay siweyn ugu eedeeyeen madaxda dowladda federalka ah ee Somalia boob dhuleed, ku xadgudub dastuur iyo musuq maasuq iyagoo dalbada in deg deg loo qabto doorashada madaxda dowlad goboleedyada dalka.
”Waxaan muujinaynaa Werwer iyo Walaac xooggan oo ku saabsan hubanti la’aanta hareysay geedddi-socodka xiliga kala guuurka siyasadeed iyo qabsoomiyada doorashooyinka loo qorsheeyay dhamaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee ku eg 15-ka bisha May 2026”, Ayaa lagu yiri qoraalka madasha.



