12 July, 2025
Golaha la baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee deegaamada Puntland iyo…

Golaha la baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee deegaamada Puntland iyo dhammaystirka dhismaha maamulka KHATUMO.
Madashu waxay sheegtay inaan la abuurin jawi siyaasadeed saamayn togan ku yeelan kara xaaladda maamulka KHATUMO ayna maamulada Puntland iyo KHATUMO ka dheeraadaan hadalada xanafta leh.
Waxay Madashu Dowladda Federaalka uga digtay in deegaanno nabdoon ay ka abuurto xasilooni la’aan amni, dadka SSC KHATUMO-na looga dambeeyo aayakatashigooda.




