Xubno la baxay madasha siyaasadda Puntland ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,…

Xubno la baxay madasha siyaasadda Puntland ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, dagaalada ka soo cusboonaaday gobolka Gedo iyo tallaabooyinka ay qaadayso DFS.
Madasha ayaa ka digtey hurinta colaadda ka aloosan gobolka Gedo iyadoo ugu baaqday madaxda DFS inay joojiyaan dagaalada ay ka wadaan Beled-xaawo iyo Doolow xilli ay Alshabaab kusii fidayso deegaamo katirsan Hirshabeelle.
“Madashu waxay madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu baaqaysaa inay joojiyaan kana waantoobaan hurinta colaadaha iyo dagaalada soo noqnoqday ee ay ka hurinayso deegaanada Jubaland, isla-markaana aysan DFS ummadda Soomaaliyeed u horseedin xasilooni la’aan amni iyo khalkhal siyaasadeed.”ayaa lagu yiri bayaanka.




