Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulliyadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo tababar ugu…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulliyadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo tababar ugu soo xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland.
Dufcaddaan oo noqonaysa middii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo, ayaa dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah, sida lagu sheegay warbixinta saraakiisha.
Madaxweyne Deni ayaa dhalinyarada aqoon yahanka ah ee ku soo biirtay ciidanka booliska Puntland ku booriyey inay wax ka bedelaan shaqada ciidanka, aaminaadaha bulsho ee ku biirista ciidamada iyo guud ahaan ammaanka dalka.
Ugu dambayn madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland dhinacyo badan laga soo weeraray loona baahan yahay in dhalinyaradu aysan ku milmin siyaasadda haatan dalku wajahayo oo uu ku tilmaamay mid qabyaalad iyo dhibaatooyin kale salka ku haysa.



