Madax hore oo cambaaraysay hanaanka diiwaangelinta degmada Kaxda.

28 May, 2025

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo RW hore Xasan Cali Khayre ayaa dhaleeceeyey hanaanka ay…

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo RW hore Xasan Cali Khayre ayaa dhaleeceeyey hanaanka ay dowladda Somalia u wajahdey diiwaangelinta shacabka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ugu horrayn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hadlay hanaanka dowladda Soomaaliya ay u wajahday diiwaan-gelinta codbixiyayaasha dadweynaha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambayntiina RW hore Kheyre ayaa waxaa qoraalkiisa uu ku sheegay”Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.”