Madaxa Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta Gaza iyo isdhaafsiga maxaabiista

20 January, 2025

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in gargaar aan la carqaladayn la gaarsiiyo Gaza

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii muujiyay taageerada ku aaddan dhaqangelinta xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza.

“Waan soo dhaweynayaa bilawga dhaqangelinta xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza,” Guterres ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay X.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay gacan siiso, isagoo sheegay, “Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno hirgelintan oo aan sare u qaadno gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee joogtada ah ee Falastiiniyiinta aan la tirin karin ee sii wada dhibaatada.”

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto caqabadaha hortaagan bixinta gargaarka, isagoo xusay, “Waa lagama maarmaan in xabbad-joojintu ay meesha ka saarto caqabadaha amni & siyaasadeed ee muhiimka ah ee hortaagan bixinta gargaarka.”

Horaantii, heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ugu dambeyntii dhaqan galay Axadii kadib ku dhawaad ​​saddex saacadood oo dib u dhac ah, iyadoo garabka hubaysan ee Xamaas, guutooyinka Qassam, ay ku wareejiyeen saddex maxaabiis Israel ah. Waxaa heshiiska qeyb ka ah in 90 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil la filayo in la sii daayo maalinta ugu horreysa ee xabbad joojinta.

Tan iyo Oktoobar 7, 2023, ku dhawaad ​​47,000 oo qof, oo u badan haween iyo carruur, ayaa la dilay, iyadoo in ka badan 110,700 ay ku dhaawacmeen waxa saraakiisha Falastiiniyiinta ay ugu yeereen dagaalka xasuuqa ee Israel ee Gaza, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka maxalliga ah.

Horseed Media