Madaxa Qaramada Midoobay oo ugu baaqay ciidamada Rwanda inay ka baxaan DR Congo

27 January, 2025

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay ciidamada Rwanda inay isaga baxaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) oo ay joojiyaan kaalmada ay siiyaan fallaagada M23.

Colaadda, oo ka sii daraysa bariga DRC, ayaa galaaftay nolosha nabad-ilaaliyeyaal dhowr ah waxayna halis gelisay dadka ku nool magaalada Goma.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axadii ugu baaqay ciidamada Rwanda inay isaga baxaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayna joojiyaan taageerada ay siinayaan dagaalyahannada ku sii siqaya magaalada muhiimka ah ee Goma.

War qoraal ah oo uu soo saaray Axadii, ka dib markii saddex ka mid ah nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee bariga DRC lagu dilay 48 saacadood gudahood, Guterres waxa uu ku nuuxnuuxsaday in “weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ay noqon karaan dambi dagaal.”

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa bilowday inay ka daadgureyso shaqaalaha “aan muhiimka ahayn” ee ku sugan magaalada Goma.

Kulan deg deg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Axaddii, dalalka xubnaha joogtada ah ee Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay Rwanda inay dib u soo celiso ciidamadeeda.

Guud ahaan golaha amaanka ayaan wali ku eedayn Rwanda inay si toos ah uga qayb qaadanayso colaada, iyagoo dhanka kale sheegay in aan lagu xadgudbin Midnimada iyo Madaxbanaanida dhuleed ee DRC.

Dagaalyahannada M23 oo ay taageerayaan dhowr kun oo ciidamada Rwanda ah ayaa si degdeg ah ugu sii siqaya magaalada Goma, taasoo dhacda xuduudda bari ee DRC, waxaana ku nool in ka badan hal milyan oo qof.