Tedros Adhanom Ghebreyesus madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu doonayo inuu kala hadlo bulshada deegaanka ee gobolka Ituri jawaabta laga bixinayo cudurkan.

DR Congo waxay diiwaan gelisay in ka badan 1,000 kiis tan iyo bartamihii bishii Maajo.
Wuxuu u safray Ituri ka dib markii uu kula kulmay mas’uuliyiinta Congo ee caasimadda dalka, Kinshasa.
Marka laga soo tago Ituri, kiisaska Ebola ayaa sidoo kale laga helay gobollada bari ee Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu, iyo sidoo kale Uganda oo deriska la ah.
Tedros ayaa la filayaa inuu booqdo xarun caafimaad oo uu la kulmo mas’uuliyiinta maxalliga ah, shaqaalaha caafimaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey ee ku sugan caasimadda gobolka Ituri, ee Bunia.
Nooca Bundibugyo ee cudurkan ee hadda socda ma laha daaweyn ama tallaal looga hortago.




