Senatarrada Mareykanka ayaa safaf dhaadheer u galay si ay su’aalo u weydiiyaan saraakiisha ugu sarreysa sirdoonka Talaadadii, kadib fadeexada ka dhalatay sirtii dagaal ee aadka xasaasiga u ah ee Yemen oo si khaldan loola wadaagay suxufi, arrintani oo kicisay cadho ka timid dimuqraadiyiinta iyo khubarada amniga qaranka.

Suxufi Jeffrey Goldberg, oo ah tafatiraha guud ee jariirada The Atlantic, ayaa warbixin uu soo saaray Isniintii ku sheegay in si lama filaan ah loogu casuumay 13-kii Maarso barta fariimaha ee Signal oo ay ku sheekaysanayeen Golaha amniga Qaranka oo dajinayey qorshaha duqeynta “Kooxda Xuuthiyiinta Yemen”.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Brian Hughes ayaa xaqiijiyey fariimahaasi si khaldan loola wadaagay suxufigaasi Goldberg oo loogu daray bartaasi ay ku sheekaysanayeen madaxda.
Xubnaha guddiga senat-ka ee sirdoonku waxay su’aalo waydiiyeen laba kamid ah mas’uuliyiinta; Tulsi Gabbard oo ah agaasimaha sirdoonka Qaranka iyo agaasimaha CIA John Ratcliffe.
Dimuqraadiyiinta ayaa sheegay in qorshayaasha milatari ee la faafiyay ay muujinayaan ixtiraam la’aan dhanka ammaanka ah, laakiin agaasimaha CIA Ratcliffe wuxuu sheegay in aan wax sharci ah lagu xadgudbin.
Dimuqraadiyiinta – iyo qaar ka mid ah saaxiibada Trump ee Jamhuuriga – ayaa ku baaqay in la baaro fadeexadan weyn ee sirta fakatay. Macluumaadka qarsoodiga ah iyo kuwa xasaasiga ah maaha in lagu wadaago talefanka gacanta iyo lambarada aan la garanayn.
Saraakiisha Aqalka Cad iyo qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ayaa taa beddelkeeda ku nuux-nuuxsaday in weerarka Xuutiyiinta uu ku dhacay sidii loogu talo galay.
Trump ayaa 15-kii bishan Maarso billaabay olole ballaaran oo weeraro militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, isagoo ka duulaya weerarada ay kooxdaasi ku qaaday maraakiibta Badda Cas, wuxuuna uga digay Iran oo ah taageeraha ugu weyn ee Xuuthiyiinta inay u baahan tahay inay si degdeg ah u joojiso taageerada ay siiso kooxdaasi.