Madaxda DFS & Golaha Mustaqbalka oo shir uga furmayo Muqdisho.

11 February, 2026

Shirka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la sugayaa inuu ka…

Shirka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la sugayaa inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinkii dambe ee shalay siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, xilli maanta la sugayo guddoomiyaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guddiyada farsamo ee labada dhinac ayaan weli shaacin goobta rasmiga ah ee shirku ka furmi doono, xilli Madaxtooyadada Somalia doonayso in lagu qabto Villa Somalia goluhuna qorshaynayo xayndaabka Xalane oo ah halka ay deggan yihiin.

Shirka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha ammaanka, dastuurka kumeel gaarka ah iyo doorashooyinka oo ah qodobka ugu xasaasisan ee dhinacyadu diiradda saari doonaan si xal looga gaaro kahor May 2026.