Madaxda DFS oo ka qaybgelaya caleema-saarka Hoggaamiyaha Galmudug.

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa ku sugan…

5 November, 2026

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafuudda kale ayaa Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgeli doona caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan, oo dhawaan barlamaanka Galmudug doorteen.

Hoggaamiye Liibaan ayaa horay Dhusamareeb ugu soo dhaweeyey Madaxda Maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari, Mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya, siyaasiyiin mucaarad ah iyo dhinacyo kale oo ka qaybgeli doona caleema-saarkiisa.