Madaxda Dowladda & Golaha Mustaqbalka oo markale ku shiraya Muqdisho.

22 February, 2026

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta markale…

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta markale ka furmi doona xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgeli doono RW Xamse, ku-xigeenkiisa, Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Madax hore, xubno katirsan golayaasha dowladda Somalia & siyaasiyiin katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lafilayaa in wareeggiisa 2aad diiradda lagu saaro xaaladda guud ee Somalia, waxka-beddelkan dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka oo mucaaradku diidan yihiin iyo nooce doorasho ee ay Somalia aadi doonto sanadkaan 2026 oo siweyn loogu kala aragti duwan yahay.

Golaha ayaa sheegay inay doonayaan doorashooyin Dadban oo ka metelaad badan kuwii hore ka hor bisha Maay, waxayna meesha ka saareen in ay ku kala qaybsan yihiin arrin taasi, lana qabto doorashooyinka KGS, Galmudug & Hirshabeelle oo muddo xileedkoodu dhammaaday.

DFS ayaa weli ku foogan waxka-beddelka Dastuurka JFS, aan waxba ka beddelin mawqifkeedii ku aaddanaa qabashada doorashooyin toos ah oo ka qabsooma guud ahaan dalka Somalia.