Madaxda dowladda Somalia oo ka dhoofay Laascaanood.

18 January, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi Barre…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi Barre iyo wafuud kala duwan ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood.

Wafuuddaan ayaa maalinnimadii shalay ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulak Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Awcali Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuldarraystay in uu siidaayo maxaabiista Somaliland ee Laascaanood ku xiran, arrintaas oo uu kala hadlay maamulka Waqooyi Bari, kadib diidmo katimid isimada dhaqanka ddeegaamada maamulkaasi.