Madaxda ugu sarraysa dalalka Somalia, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ka qaybgelaya daahfurka mashaariic horumarineed oo…

Madaxda ugu sarraysa dalalka Somalia, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ka qaybgelaya daahfurka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.
Mashaariicdaan ayaa isugu jira kuwa horumarineed iyo kuwa qayb weyn ka qaadanaya dalxiiska geeska Africa, waxaana daahfurkoodu kulmin doonaa madaxda geeska Africa iyo ganacsato heer caalami ah.
Dhanka kalena, hoggaamiyayaasha geeska Africa ee ka qaybgelaya daahfurka mashaariicdaan ayaa lafilayaa inay ka arrinsadaan xaaladdaaha ammaan iyo siyaasadeed ee mandaqadda.
Waa markii ugu horreysey ee ay madaxda gobolku halmeel ku kulmaan tan iyo markii ay December 2025 Yuhuuddu dowlad madax-banaan u aqoonsatay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah Jamhuuriyadda Somalia.



