Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si ay uga…

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si ay uga qaybgalaan shirka arrima doorashooyinka ee loogu balansan yahay xerada Xalane.
Wafuud iyo ciidamo hordhac u ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta gelinka hore ka degi doona garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan cudurdaar ka bixisay celintii diyaaradihii waday wafuuda iyo ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, kaddib dhexdhexaadin ay sameeyeen wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
Shirka Xalane ayaa looga arrinsan doonaa xaaladda guud ee dalka, waxka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia iyo doorashooyinka 2026 oo ah qodobka ugu weyn ee la doonayo in xal waara laga gaaro.



