Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa aqbalay dalab kaga yimid beesha caalamka oo ku aaddan ka…

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa aqbalay dalab kaga yimid beesha caalamka oo ku aaddan ka qaybgalka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Somalia oo baaqday todobaadkii la soo dhaafay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa aqbalay inay 10-ka Febraayo gaaraan Magaalada Muqdisho, si uusan u baaqan shirka loo madlan yahay inuu ka qabsoomo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Shirka Muqdisho ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, ammaanka iyo go’aan ka gaarista doorashooyinka May 2026, oo ay siweyn ugu kala aragti duwan yihiin dhinacyada mucaaradka iyo madaxtooyada Somalia.
Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa horay wax laga xumaado ugu tilmaantay baaqashadii shirka oo ay sababtay joojintii diyaarado ciidamo hordhac ah u wadey madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland.



