Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lafilayaa inay…

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lafilayaa inay yeeshaan kulamo ku aaddan xaaladda guud ee Somalia & xoojinta xiriirka labada dhinac.
Ilo wareedyo ka agdhaw labada dhinaca ayaa sheegaya inay yeelan doonaan kulan aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan marxaladda taagan ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay labada madaxweyne dhawaan ka soo laabteen dalka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia.
Warar hoose ayaa sheegaya in horusocod laga sameeyey dedaalada lagu doonayo in laysugu soo dhaweeyo labada madaxweyne iyo hoggaanka ugu sarreeya dowladda federalka ah ee Somalia.



