Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa maanta Muqdisho…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan diiradda lagu saarayey xaaladda dalka.
Kulanka oo muddo saacado ah qaatay warbaahintuna dibad joog ka ahayd ayaa lagu gorfeeyey muranka doorashooyinka, khilaafaadka dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Madaxda maanta kulantay ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyey oo toos ah tan iyo markii la soo afmeeray khilaafkii ka dhashay doorashooyinkii dalka ka dhacay 2022.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, RW hore Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale ayaa laba habeen oo xiriir ah laga horjoogsaday inay la kulmaan madaxda Puntland iyo Jubbaland xilli uusan weli furmin shirkii loo balamay ee Muqdisho.



